(Manchester) 04 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Manchester City oo hal lug kula jirta fiinaalka tartanka Champions League ayaa caawa ciyaarta lugta labaad ee wareegga nus-dhammaadka la ciyaari doonta kooxda Paris Saint-Germain.

Ciyaartan ayaa caawa ka dhici doonta garoonka Etihad Stadium iyadoo Man City ay is aragga ku hoggaamineyso 2-1 oo ay PSG kaga soo adkaatay ciyaartii lugtii hore ee ka dhacday caasimadda Faransiiska ee Paris.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Etihad

Garsooraha: Bjorn Kuipers (Netherlands)

Wararka kooxaha:-

Xiddiga kaliya ee Manchester City ka maqan ciyaartan waa difaaca dhallinta yar ee Eric Garcia, kaasoo qandho la xanuunsanaya, hase ahaatee, waxaa daafaca dhexe kusoo laabanaya John Stones oo ganaax tartammada gudaha ah ku seegay ciyaartii Premier League ee ay Man City ka adkaatay Crystal Palace Sabtidii.

Dhanka kale, Kylian Mbappe ayaa shaki badan la gelinayaa inuu ciyaartan ka qayb qaadan doono inkastoo uu qayb ka yahay safka uu Mauricio Pochettino usoo kaxeeyay England.

Laacibka Faransiiska ayaa dhaawac muruqa hoose ee lugta ah ku seegay ciyaartii horyaalka Ligue 1 ka tirsaneyd ee ay PSG 2-1 kaga adkaatay naadiga Lens.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa guuldarro la’aan ah afartii kulan ee ay horraan la ciyaartay Paris Saint-Germain dhammaan tartammada Yurub, iyadoo garaacday labo jeer, labo kalena barbarro la gashay, waxayna Man City sidoo kale guuleysatay ciyaartii ugu dambeysay ee ay garoonkeeda kula ciyaartay naadiga reer France ciyaar dhacday bishii April ee sanadkii 2016.

>- Kooxda kaliya ee ay PSG wajahday kulammo ka badan kuwa ay UCL ku wajahayday Man City iyadoo aanan guul gaarin waa kooxda AC Milan oo ay afar jeer ku wajahday Champions League balse aysan waligeed kaga adkaan tartanka horyaallada Yurub, halka saddex jeer oo ay tartankan la ciyaartay City aysan wax guul ah ka gaarin wali.

>- Man City waxay guuleysatay dhammaan lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay Champions League, haddii ay caawa guul gaartana waxay noqon doonta naadiga Ingiriiska ka dhisan ee kulammada ugu badan ee xiriir ah guul ka gaara tartanka Champions League iyadoo haatan ay saddex koox la wadaagaan rikoorka lixda guul ee xiriirka ah, waxayna kala Manchester United (1965-66), Leeds United (1969-70) and Arsenal (2005).

>- PSG ayaa soo baxday iyadoo la garaacay kulanka hore wareegyada bug-baxda Champions League markii ugu dambeysay kaddib guuldarro 2-1 oo kasoo gaartay Borussia Dortmund wareegga 16-ka xilli ciyaareedkii hore, waxayna wadarta labada lug kusoo baxday 3-2 iyadoo lugtii labaad garoonkeeda guul 2-0 ah kaga gaartay naadiga Jarmalka ka dhisan, hase ahaatee, PSG wali ma aysan soo gudbin iyadoo lugta hore lagu garaacay garoonkeeda taariikhda tartanka horyaallada Yurub.

>- Haddii ay Manchester City soo baxdo caawa, waxay gaari doontaa fiinaalkeedii ugu horreeyay muddo 51 sano ah maadaama ay sanadkii 1970 Cup Winners’ Cup fiinaalkiisa la ciyaartay kooxda Gornik Zabrze, waxayna sameyn doontaa rikoorka kooxda firaaqa ugu dheer uu u dhexeeyay fiinaalladeeda is xiga ee tartammada Yurub iyadoo rikoorkaas ay hore u heysatay naadiga Sporting Lisbon oo 41 sano ay u dhexeysay fiinaalkii ay gaartay 1964 ee Cup Winners’ Cup iyo 2005oo ay gaartay Uefa Cup final.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US