(Manchester) 18 Sebt 2021. Difaacdayaasha horyaalka Premier League ayaa maanta qalcadooda ku sooraya naadiga Southampton kulan ciyaareed ka mid ah horyaalka Premier League.

Kooxda Macallin Pep Guardiola ayaa wajaheysa walaac ku aaddan dhaawacyo soo gaaray xiddigaha difaaca dhexe ka ciyaara ee Aymeric Laporte iyo John Stones, waxaana laga yaabaa inuu tababaraha Isbaanish-ka ah is baddel ku sameeyo shaxdiisa.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Etihad

Garsooraha: Jonathan Moss (England)

Wararka Kooxaha:-

Manchester City macallinkeeda Guardiola ayaa soo xushay saf isku mid ah saddexdii ciyaarood ee lasoo dhaafay horyaalka, hase ahaatee, dhaawac gumaarka kasoo gaaray Laporte awgii ayaa laga yaabaa inuu hal baddel ku sameeyo shaxdiisa.

Kevin De Bruyne iyo Phil Foden ayaa labaduba ciyaaray kulankii Champions League ee toddobaadkii tagay City la qaadatay RB Leipzig, waxaana la filayaa inay ciyaartan ka qayb qaataan, balse waxaa guud ahaan kulankan dhaawac ku seegaya John Stones.

Geesta kale, Theo Walcott iyo Stuart Armstrong ayaa markale ka maqnaanaya naadiga Southampton inkastoo uu dib usoo laabanayo maanta Shane Long oo horraantii bishan laga helay xanuunka Korona Fayras.

Sidoo kale, Will Smallbone ayaa kusoo laabtay tababarka naadiga Saints, balse maadaama uu sagaal bilood garoommada ka maqnaa wali jirkiisa taam uma aha ciyaar buuxda.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Manchester City ayaa guul gaartay siddeed ka mid ah sagaalkii is arag ee ugu dambeeyay Premier League iyadoo halka guuldarro ee soo gaartay ay timid bishii July ee 2020 kulan ku dhammaaday 1-0 oo ka dhacay garoonka St Mary’s.

Southampton ayaa guul la’aan ah 10-kii safar ee ugu dambeeyay oo ay Premier League ku booqatay Man City iyadoo lasoo garaacay sagaal ka mid ah.

Man City ayaa la garaacay kulankeedii ugu horreeyay ee Premier League xilli ciyaareedkan, hase ahaatee waxay guul gaartay saddexdii ciyaar ee xigtay iyadoo dhalisay 11 gool idla markaana aanan gool laga dhalin.

City ayaa noqon karta kooxdii saddexaad ee afar kulan oo xiriir ah horyaalka Ingiriiska ku adkaata garoonkeeda farqi shan gool ah waxaana sidaas hore u sameeyay Aston Villa 1899 iyo Everton 1931.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:

Manchester City:

Southampton:

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US