(Yurub) 12 Juun 2021. Saddex kulan oo ka tirsan tartanka Euro 2020 ayaa galabta iyo caawa lagu ciyaari doonaa saddex dal oo dhaca qaaradda Yurub iyadoo kulammadaas ay ka tirsan guruubyada A iyo B.

Wales vs Switzerland

Ciyaarta ugu soo horreyso waxay dhex mari doontaa xulalka Wales iyo Switzerland kuwaasoo isku fara saaraya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, waxaana ciyaartan ay ka tirsan tahay Guruubka A.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – UEFA Euro 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 04:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Baku Olimpiya Stadionu

Garsooraha: Clement Turpin (France)

Xaqiiqada kulankan: Guushii ugu dambeysay ee uu xulka Wales ka gaaro dhiggiisa Switzerladn waxay timid tartanka Euro 2012 is-reeb-reebkiisa ciyaar ku dhammaatay 2-0 oo ka tirsaneyd Guruubka G, balse Swiss-ku ayaa guul gaaray shan ka mid ah toddobo jeer oo ay labada xul is arkeen.

Denmark vs Finland

Geeska kale, waxaa wada balansan xulalka Denmark iyo Finland oo ciyaari doona kulan ka tirsan Guruubka B, waxayna ciyaartan ka dhaceysa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – UEFA Euro 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Parken

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Xaqiiqada kulankan: Xulka Denmark ayaa kulankii ugu horreeyay ee tartanka Euro ku ciyaari doonta carradeeda marka laga soo tago kulammada is-reeb-reebka, waxayna wajaheysaa Finland oo ay ka heystaan rikoor guuldarro la’aan ah 21-jeer oo ay dhulkeeda kula ciyaartay, waana rikoor soo dhismay 1948.

Belgium vs Russia

Iyadoo laga cabsi qabo inuu Eden Hazard kusoo bilaaban waayo ciyaartan, ayaa haddana Belgium-ku waxaysan heli doonin laacibka Manchester City ee Kevin De Bruyne oo dhaawac ku seegaya kulanka ay caawa Ruushka la ciyaarayaan.

Kulankan waxa uu ka tirsan yahay Guruubka B, waxaana uu ka dhacayaa magaalada Saint Petersburg ee dalka Russia.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – UEFA Euro 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Saint Petersburg Stadium

Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)

Xaqiiqada kulankan: Belgium oo kaalinta ugu sarreysa kaga jira kala sarreynta qiimeynta xulalka ee FIFA ayaa labo jeer garaacay Ruushka intii uu socday is reeb-reebka tartankan, kulankii martida loo ahaa ayay 3-1 ku adkaadeen xiddigaha uu hor kaco Macallin Roberto Martinez, halka ciyaartii isla magaaladan ka dhacdayna Ruushka mar kale la garaacay ciyaar ku dhammaatay 1-4.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US