Xiddiga da’yarka ah ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa la filayaa in uu xagaaga noqdo xiddiga ugu hadal haynta badan marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Xiddiga Erling Braut Haaland ayaa dagaal dhex dhigi doona kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa xagaaga.

Kooxaha Man United, Chelsea, Man City iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo saxiixa xiddiga da’yarka ah xagaaga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Sports Mole aya sheegaya in uu xiddiga reer Norway ku biiri doono horyaalka Premier League xagaaga halkii uu ku biiri lahaa kooxda Real Madrid ama horyaalka La Liga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US