Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda Arsenal isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Lyon.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Arsenal kadib markii laga reebay kulanka kooxda todobaadyadii la soo dhaafay.

Arintaas ayaa dabka ku sii jiday wararka la xidhiidhinaya kooxda Arsenal kuwaas oo doonayay saxiixiisa marka la gaadho suuqa Janaury.

Houssem Aouar oo la hadlaya RMC Sport ayaa yidhi”Ma arki karo sabab aanan ugu faraxsanaan karin Lyon, waan ku faraxsanahay magaaladayda sidoo kale waxa aan ku faraxsanahay kooxdayda”.

“Waan ku faraxsanahay in aan joogo halkan waxa aan qaatay go’aanka aan ku sii joogayo kooxda waxana aan ku raaxaystaa u ciyaarinta kooxda”

Isaga oo wax laga waydiiyay xiisaha Arsenal ayuu yidhi”Waa arin ka mid ah kubada cagta waxa aan la hadlay tababaraha kooxda waxana aan u sheegay in aan doonayo in aan sii joogo”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US