(Rome) 12 Juun 2021. Waxaa xalay si rasmi ah loo daah rogay tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020 kaasoo dib u dhac sanad kaddib ah xalay laga baastay magaalada Rome ee caasimadda dalka Taliyaaniga.

Xulka qaranka Italy ayaa 3-0 ku xaaqay dhiggiisa Turkey ciyaar ka dhacday garoonka Stadio Olimpico, waxaana goolka koowaad si aanan ku talo-gal ahayn isaga dhalay Merih Demiral oo difaaca kaga ciyaara Turkiga, halka Ciro Immobile iyo Lorenzo Insigne ay raacsadeen labo gool oo ay ku xaqiijiyeen guushoodii ugu horreysay tartankan kulan goolashiisa ay qaybta labaad bilawdeen.

Haddaba halkan hoose kaga bogo xaqiiqooyinkii muhiimka ahaa ee laga diiwaan geliyay ciyaartii xalay:

>- kahor inta aanan garoonka lasoo galin, waxaa bandhig faneed ku qurxiyay xafladda furitaanka Andrea Bocelli oo garoonka gudihiisa ka qaaday heeska Nessun dorma oo uu horraan lahaa Giacomo Puccini.

Image

>- Fannaanka ka heesay heesta furitaanka waxaa isagoo shan jir ah haleelay xanuunka congenital glaucoma kaasoo dhif dhif ugu dhaca ilmaha, waxaana tan iyo markaas uu ahaa mid indho la’ ama aanan arag lahayn gebi ahaanba.

>- Goolkii Merih Demiral uu iska dhaliyay xalay ayaa galay taariikhda tartanka qarammada qaaradda Yurub isagoo noqday goolkii ugu horreeyay ee iska dhalis ah oo daah-roga koobka Euro, horena uma aysan dhicin in goolka ugu horreeya ee tartanka qarammada Yurub uu noqdo mid si aanan ku talo gal ahayn la isaga dhaliyay.

>- Goolashii furitaanka ee tartanka qarammada qaaradda Yurub ayaana ahaa sidan: 

1960: M. Galić, 1964: J. Pereda, 1968: D. Džajić, 1972: G. Müller, 1976: A. Ondruš, 1980: K. Rummenigge, 1984: M. Platini, 1988: R. Mancini, 1992: J. Eriksson, 1996: A. Shearer, 2000: B. Goor, 2004: G. Karagounis, 2008: V. Svĕrkoš, 2012: R. Lewandowski, 2016: O. Giroud, 2020: M. Demiral (Iska-dhalis)

>- Ciro Immobile ayaa markii ugu horreysay xulka qaranka Taliyaaniga u dhaliyay gool tartan rasmi ah inta uu ka tirsan yahay Azzuri.

>- Xulka Taliyaaniga ayaa markii ugu horreysay taariikhda tartanka qarammada qaaradda Yurub dhaliyay saddex gool ama wax ka badan hal kulan.

>- Azzuri ayaa sidoo kale sagaal kulan oo xiriir ah guuldarro la’aan ah iyadoo aanan xitaa gool laga dhalin, waana rikoorkooda ugu wanaagsan tan iyo 1990.

>- Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa noqday shabaq-ilaaliyihii ugu horreeyay ee aan ahayn Gianluigi Buffon kaasoo shabaqiisa ilaalsada kulan tartan weyn ah tan iyo Francesco Toldo oo shabaqa xulka qaranka Azzuri gool ka ilaaliyay tartankii Euro 2000.

>- Mid walba oo ka mid ah Ciro Immobile, Lorenzo Insigne iyo Domenico Berardi ayaa ka darbo tuuris badnaa ciyaartii xalay isku darka xiddigaha xulka qaranka Turkey oo la isu geeyay, Immobile ayaa tuuray lix darbo, Insigne ayaa isna tuuray shan darbo halka Berardi uu tuuray afar darbo, taas baddelkeedna xulka Turkiga oo dhan ayaa tuuray saddex darbo.

>- Ugu dambeynna, UEFA ayaa xiddiga garoonka u magacawday Leonardo Spinazzola.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US