JABUUTI(HALBEEG)-Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada ayaa lagu baahiyay warar sheegaya in madaxweyne Geelle  ay la soo gudboonataay xaalad caafimaad darro loona duuliyay dalka Faransiiska.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” wasiirka ayaa intaa ku daray “Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,”

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kaddib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad.

The post Jabuuti oo Beenisay in Madaxweynaheedu Caafimaad Darro La soo Gudboonaatay appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US