Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay matalaadda gobolka Banaadir

Tan iyo markii baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya uu ansixiyay matalaadda gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxayay dood sharci ah oo ku saleysan qaabka ay tahay in loo maro maqaamaka iyo matelaadda siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Go’aankii baarlamaanka oo ay dhaleceeyeen siyaasiyiin iyo maamul goboleedyada qaar halka kuwa kalana ay soo dhaweeyeen matalaadda Muqdisho waxaa sidoo kale taageeray qaar kamid ah xildhibanaada golaha shacabka iyo madax hore.

“Waa maalin weyn oo shacabka gobolka Banaadir ay sugayeen, waa maalin ay sugayeen xuquuqda ka maqneyd oo uu golaha shacabka u soo dhiciyay, waxa idin dhimanna waa maqaamka caasimadda ee Soomaali weyn idin kala dhaxeeyay, iyadana waxaan rajeeneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan loo ansixiyo”, ayuu yiri xildhibaan Cabdiqaadir Carabow Ibraahim oo kamid ah siyaasiyiintii taageeray matelaadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale dadka taageeray waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo gollaha shacabka ku bogaadiyay meelmarinta matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Balse hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiinta ku baaqay in Banaadir ay u baahan tahay maqaam siyaasadeed oo cad inay yeelato

“Banaadir maqaam siyaasadeed iyo matalaad sharci oo xajmigeeda shacab, dhaqaale iyo muunadeeda deegaan u dhiganta ayey rabtaa ee xildhibaano beelo lagu soo xulayo uma baahna”, ayuu yiri Cabdiraxmaan cabdishakuur

Matalaadda iyo maqaamka

Inkastoo maamullada qaar ay su’aal gelinayaan sax ahaanshaha tirada kuraasta ee gobolka Banaadir loogu kordhiyay aqalka sare, haddana khubarada dhanka sharciga waxay ku doodayaan in maqaamka uu marka hore ka horeeyo mataaladda.

Abuukate Zakariye Yuusuf oo ah sharci yaqaan ayaa ku doodaya inay jireen waxyaaba ka horeeya matelaadda siyaasadeed ee gobolka oo ay ahayd in la sameeyo taasoo ah qeexidda maqaamka Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

“Qodobka 9aad ee dastuurka waxaa uu dhigayaa in maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya go’aan looga gaari doono dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marka maqaamka oo go’aan laga gaaro ayaa waxay horseedi lahayd in la isla mele dhigo matalaadda uu yeelanayo gobolka Banaadir ama caasimadda”, ayuu ku leeyahay Abuukaate Zakariye Yuusuf.

Isbadal lagu sameeyo dastuurka

Abuukaate Zakariye wuxuu intaasi ku daray in si loo dhaqangeliyo qoondada 13 ka xubnood ee gobolka Benaadir ee ay soo jeediyeen golaha Shacabka ay marka hore tahay in la furo dastuurka ku meel gaarka ah oo horay u cayimay tirada xubnaha Aqalka sare.

“In gobolka Banaadir uu helo matalaad siyaasadeed oo la dhaqan geliyo ansixinta golaha shacabka waa in marka hore dastuurka la furaa sida ku cad qodobka 132, wax ka badelka dastuurkana ay qeybna ay ka yihiin xubnaha aqalka sare, arrintaas oo haatan aysan dhicin”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Doorka Aqalka Sare

Golaha shacabka oo la ogyahay in khilaaf uu kala dhaxeeyo Aqalka Sare ayaa qododbka 72aad ee dastuurka kumeel gaarka ah waxaa uu dhigayaa in aqalka sare uu qeyb ka noqdo wax ka badel walba oo lagu sameynayo dastuurka.

Haseyeeshee Abuukaate Cabdinaasir Xusseen oo BBC-da la hadlay waxaa uu sheegay in xaaladdan oo kale loo laabanayo qoddobaka 80aad, doorka aqalka sarena aanan la gaarin .

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyay ansixinta sharciga mataaladda gobolka Banaadir

“Qoddobka 80aad ee dastuurka waxaa uu dhigaya sharci qabyo ah oo heer qaran ah waxaa curin kara golaha Xukuumadda; ama ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka”.ayuu yiri Abuukaate Cabdinaasir Xusseen.

Inkastoo aanan la ogeyn in matalaadda gobolka Benaadir la horgeyn doona aqalka sare ee baarlamaanka ayaa haddana dastuurka kumeel gaarka ee Soomaaliya waxaa uu dhigayaa in qaabka keliya ah ee lagu duri karo xeerkan ay tahay maxkamadda dastuuriga ah oo aan xilligan Soomaaliya ka jirin.

Aqalka Sare sida uu hadda yahay

Aqalka Sare waxa uu hadda ka kooban yahay 54 xildhibaan oo lagu soo xulay hannaanka federaalka iyadoo Puntland iyo Somalinland la siiyay min 11 kursi halka Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland la siiyay min 8 kursi.

Balse sida dastuurka ku qoran waxay ahayd in kuraasta aqalka sare ee 54 ah lagu qaybiyo nidaamka gobollada iyadoo laga ambaqaadayo 18 kii gobol ee Soomaaliya ahayd markii ay dhacday dawladdii Siyaad taasoo gobolka Banaadir siin lahayd 3 kursi.

Sida muuqata madaxdii federaalka iyo kuwii maamul goboleedyada ee qaybtaa sameeyay 2016 kii way baal mareen qodobkaa dastuuriga ah taasoo keentay in xubnaha maanta ansixiyay xeerka matalaada gobolka Banaadir ay ku doodaan in markii horeba aan si sharci aah loogu dhaqmin qodobka dastuurka ee ka hadlaya kuraasta aqalka sare.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US