Jamie Carragher ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Jose Mourinho Tottenham kula guulaysto horyaalka premier League hadii ay Liverpool ku fashilanto difaacashada horyaalka.

Mourinho ayaa 3 premier League kula guulaystay Chelsea waxana uu haatan doonayaa in uu Tottenham kula guulaysto koobka mar kale.

Kooxda Jose Mourinho ayaa kaalinta 5-aad ka gashay premier League kadib guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadheen Burnley Xalay waxana jirta rajo laga qabo in uu Mourinho kooxda ku hogaamin karo horyaalka.

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka laakiin Carragher oo jecel Mourinho ayaa rumaysan in uu tababaruhu markan ku hogaamiyo horyaalka kooxda kadib dhaleecayn xoogan oo uu la kulmay.

“Sida iska cad waxa aan doonayaa in ay Liverpool ku guulaysato horyaalka laakiin waxa aan jecelahay in aan arko sidoo kale Mourinho oo mar kale ku guulaysanaya”ayuu Carragher u sheegay Sky Sport.

“Sababta ah waxa aan halkan kaga hadalnaa nidaamka taatikada iyo waxyaabo kale oo aan jecelnahay”.

“Mourinho waxa uu la kulmay dhaleecayn badan, waa ninkii shalay, kubadiisu waa casri kale waxana soo baxay tababarayaal cusub”.

“Waxa aan doonayaa in aan arko Mourinho oo mar kale ku guulaysanaya horyaalka waxana ay noqon doontaa sheeko fiican hadii uu ku guulaysto”.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US