(Manchester) 28 Luulyo 2020. Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Jesse Lingard ayaa muujiyay sida uu ugu weyn yahay weeraryahanka naadiga Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Dhinaca kale Jesse Lingard ayaa carabka ku adkeeyay in Cristiano Ronaldo loo arko inuu yahay astaan kubadda cagta ah.

Jesse Lingard ayaa la weydiiyay su’aal ku aadaneyd laacib kubadda cagta ciyaara ee lala barbardhigi karo halyeyga basketball-ka Mareykanka ee Michael Jordan, wuxuuna tilmaamay magaca xiddigii hore kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday hadalka xiddiga kooxda Manchester United ee Jesse Lingard, wuxuuna yiri:

The Michael Jordan of football: Is Cristiano Ronaldo the greatest ...

“Wax walba ayuu ku soo guuleystay xirfadiisa kubadda cagta”.

“Wuxuu soo maray kooxo dhowr ah, wuxuuna kula guuleystay koobab badan, waxaana aaminsanahay inuu yahay astaan ​​ dhab ah ee kubadda cagta”.

“Cristiano Ronaldo waa Michael Jordan-ka kubadda cagta” ayuu yiri xiddiga kooxda Manchester United ee Jesse Lingard.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US