Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa sheegay in ay Liverpool ku saxsanayd in ay iska dhaafto saxiixa Timo Werner una dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Diogo Jota.

Liverpool ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa Timo Werner ka hor intii uuna ku biirin chelsea xagaagii xilli uu Werner xitaa qirtay rabitaankiisa in uu u ciyaaro kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa xiddiga Timo Werner u balan qaadi wayday boos joogto ah Werner taas oo keentay in uu kubiiro kooxda Chelsea.

Reds ayaa badalkiisa u dhaqaaqday xiddiga Jota kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Wolves.

Jota ayaa dhaliyay 9 gool oo 14 kulan oo tartamada oo dhan ah isaga oo kaliya 8 kulan oo kaliya ku bilowday shaxda Liverpool.

Dhanka kale Timo Werner ayaa dhaliyay 8 gool 15 kulan oo uu ku bilowday kooxda chelsea.

Barnes ayaa sheegay in uu Werner u noqon lahaa saxiix weyn Liverpool laakiin sheegay in Jota diyaar u yahay in uuna si joogto ah ugu ciyaarin Liverpool.

“Timo Werner waxa uu shaqo fiican ka qabanayaa chelsea wuuna ku soo bixi lahaa Liverpool laakiin Liverpool waxa ay doonaysay xiddig isagu u yimaada”ayuu Barnes yidhi.

“Dhanka dhaqaalaha waxa ay bixin lahaayeen 52 milyan oo euro laakiin Werner waxa uu doonayay in loo balan qaado boos joogto ah waliba uu ciyaaro todobaad kasta sida uu ugu ciyaari chelsea taas ayaan Liverpool ka hor istaagtay in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa kadib Liverpool waxa ay u dhaqaaqday Jota oo aan isagu dalbanayn arintaas”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US