Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa loo sheegay in uu shaxdiisa ka saaro daafaca Joe Gomez kulanka ay Liverpool booqanayso Everton Sabtida booskiisana ka ciyaarsiiyo xiddiga Fabinho.

Reds ayaa Sabtida wajihi doonto kooxda ay jaarka yihiin ee Everton kadib markii ay guuldaro 7/2 ah oo ceeb ka soo gaadhay kala kulmeen kooxda Aston Villa ka hor fasaxii xulalka.

Gomez ayaa ka mid ahaa xiddigihii ku dhibaatooday kulanka isaga badal lagu sameeyay daqiiqadii 61-aad isla markaasna daafaca dib loogu celiyay Fabinho.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed xun soo bandhigay tan ilaa markii dib loo bilaabay premier League qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Halyeeyga Liverpool ee Danny Murphy ayaana aaminsan in uu Klopp kaydka dhigo xiddiga reer England kulanka Ay Liverpool martida u noqon doonto Everton.

Murphy ayaa aaminsan in uu Gomez ku dhibaatoonayo kalsooni la’aan iyo waliba taam ahaansho la’aan sababna u yahay in ay Reds dal-dalool ku lahaato daafaca dambe.

“Kama turxaan bixin karno guuldaradii naga soo gaadhay Villa dabcan. Joe Gomez, gaar ahaan, wuxuu ku dhibtooday dhanka daafaca xilli ciyaareedkan”ayuu u sheegay Daily Mail.

“Uma muuqdo mid kalsooni kasta, xitaa mid taam ah, marka loo bar-bar dhigo bilowgii xilli ciyaareedkii hore tababaruhuna waxa uu wajahayaa go’aan weyn waana in uu meesha ka saaro”.

“Mar walba waa go’aan adag, xiddigaha qaar ayaa ka faa’iida marka kaydka la dhigo waxana ay soo laabtaan iyaga oo sidii hore ka adag”.

“Anigu shaqsi ahaan uma garanayo Gomez laakiin dhanka dibada waxa aan jecelahay in uu Fabinho ka garab ciyaaro Virgil Van Dijk kulanka Everton gaar ahaan marka loo eego un uu Klopp haysto khad dhexe oo adag”.

“Daafaca dhexe waxa ay muhiim u tahaykooxda gaar ahaan marka loo eego in ay ka hor tagayaan xiddiga Dominic Calvert-Lewin kaasoo ah gool dhaliyaha premir League”.

Sii Akhriso: Kenya Oo 3 Shardi Ku Xidhay In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Somaaliya

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US