Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si weyn ula dhacay qaabka ay kooxdiisu uga soo kabsanayso maqnaanshaha daafaca Virgil van Dijk.

Liverpool ayaa laba guul oo dirqi ah ka gaadhay kooxaha Ajax iyo Sheffield United iyada oo uu ka maqan yahay daafaca dhexe kaas oo qaliin mari doona kadib dhaawac soo gaadhay.

Xiddiga khadka dhexe ee Fabinho ayaa buuxinaya booska uu baneeyay daafaca reer Holland isaga oo ka garab ciyaara xiddiga Joe Gomez.

Klopp ayaa sheegay in ay kooxdiisu la soo qabsanayso maqnaanshaha daafaca reer Holland ee Virgil Van Dijk laakiin sheegay in ay wakhti u baahantahay.

“Qof walba waxa uu u baahanyahay wakhti si uu u buuxiyo booska xiddig fiican, Virgil waa daafaca ugu fiican adduunka la’aantiisna si fiican ayaan u ciyaarnay”.

“Koox walba oo adduunka ah way tabaysaa Vigil Van Dijk”ayuu Klopp yidhi ka hor kulanka champions League

Sii Akhriso: Shacabka Reer Somaliland Oo Mudaharaadyo Kaga Soo Hor Jeestay Hadalkii Uu Madaxweynaha France Ku Aflagaadeeyay Nebi Maxamed {NNKH}

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US