Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara garoomada ku soo laaban doonin wakhti dhaw kana maqnaan doona dhawr todobaad oo kale.

Xiddiga khadka dhexe ee Thiago ayaa ku dhaawacmay kulankii Everton ee 17 bishii October waxana uu garoomada ka maqnaa tan ilaa wakhtigaas.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ka hor kulanka Ajax ayaa yidhi”Taam ahaashaha Thiago ma ahan mid cad ilaa haatan ma garan karo wakhtiga uu soo laaban doono”.

“LKadib dhaawacii Everton Thiago waxa ku adag xitaa in uu tababar qaato soo laabashadiisuna waxa ay qadan doontaa todobaadyo”.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu Thiago garoonmada ka maqnaan doono inta ka dhiman sanadkan 2020 ee haatan lagu jiro.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US