(Madrid) 29 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis cusub ka saxiixatay maanta xiddigeeda Dani Carvajal, waxaana uu daafacan qalinka ugu duugay Los Blancos qandaraas ku eg illaa sanadka 2025-ka.

Haddaba kaddib markii ay heshiis cusub ka saxiixatay Dani Carvajal, waxaa la ogaaday ciyaaryahanka xiga ee ay Los Blancos doonayso inay qandaraaska u kordhiso.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in ciyaaryahankaasi uu yahay Karim Benzema, isla markaana uu weeraryahankan qarka u saaran yahay inuu qandaraas cusub qalinka ugu duugo Real Madrid.

Xiddigan reer France ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay sanadka 2022-ka, laakiin Los Blancos ayaa diyaar u ah inay heshiis cusub oo hal sano ah ka saxiixato.

Benzema ayaa dhaliyey 23 gool 34 kulan oo horyaalka La Liga uu u ciyaaray Kooxda Real Madrid xilli ciyaareed la soo dhaafay.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US