Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Jorginho kadib markii ay guuldareysatay dalabyadii ay ku doonaysay xiddigaha khadka dhexe.

Gunners ayaa ku fashilantay in ay kooxda Atletico Madrid kala soo wareegto xiddiga Thomas Partey halka ay sidoo kale Lyon ka diiday saxiixa xiddiga Houssem Aouar.

Xiddiga khadka dhexe ee Jorginho ayaa lala xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda Chelsea bilowgii xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayay kooxda Juventus.

Heshiiska ayaa suurtagal noqon waayay kadib markii uu Maurizio Sarri ka tagay kooxda laakiin Arsenal ayaa haatan xiiso u muujisay xiddiga khadka dhexe.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in uu tababare Mikel Arteta doonayo saxiixa xiddiga 28 jirka ah ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Jorginho ayaa diirada u saarnaa Mikel Arteta muddo wakhti ah marka loo eego in ay Man City doonaysay saxiixiisa markii uu Arteta caawiyaha u ahaa Guardiola.

Sii Akhriso: Somaliland: 4 Qof Oo Ku Dhintay & 11 Qof Oo Ku Dhaawacmay Guri Ku Dumay Dadkii Ka Shaqnayay

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US