Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro koox premier Leageu ah kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Daafaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Napoli iyada oo ay kooxo badan xiiso u qabaan saxiixiisa.

Kooxaha Man United, Liverpool & Man City ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Senegal bilihii ugu dambeeyay halka ay Real Madrid sidoo kale xiiso u muujisay saxiixa xiddiga.

Wargayska Sports Mole ayaa haatan sheegaya in uu daafaca Kalidou Koulibaly doonayo in uu ku biiro kooxda Man United marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US