Waxa suuro gal in in badan lagugula taliyay inaad keli ahaato oo aanaad dadka soo dhex gelin amma inaad is fur-furto oo aad dadka soo dhex gasho. Ugu horrayn, kelinimadu ma inaad dadka ka dhex baxdo oo aad kelidaa meel fadhiisataa mise waa in miyirkaagu aanu dadka la joogine uu jidhkaagu uun la joogo ? adigu akhriste maxaad u taqaannaa kelinimada ? waxa hubaal ah in marar badan ay inna soo mareen xaalado aynnu dhibsanno la jooga dadka iyo xaalado kale oo aynnu jeclaysanno in aynu dadka siiba dad gaar ah wakhti la qaadanno. Qormadan waxa aynnu ku faaqidaynaa macna dhabta ah ee kelinimada, waxyaabaha sababa, astaamaha lagu garto iyo waxyeellada ay leedahay. Ma xannuun nafsi ah baa inaad keli ahaato mise waa xaalad dabiici ah ?

Marka la joogo cilmiga nafta, kelinimada waxa lagu qeexaa inay tahay xaaladda uu qofku doorbido inuu iskiis keli u ahaado iyadoo ay jiraan culayso nafsi oo uu qofku ka dhaxlay duruufaha nolosha ee qallafsan. Sidoo kale waxa lagu qeexaa xaalad maskaxeed iyo xadaadis ka imanaya amateedka ay naftu u haysanno ku dhex jirka dadka. Dadka kelinimada ahi waxa ay dareemaan madhnaan nafsiyadeed iyo inay yihiin dad aan loo baahnayn taas oo dhaxalsiinaysa inay door bidaan inay dadka ka soocnaadaan. Cilmi baadhisyo badan ayaa kelnimada la xidhiidhiyay inay tahay hab dhaqanka loo yaqaan goonni daaqnimada ( Introversion) xidh-xidhnaan shakhsiyadeed iyo isku buuq nafsiyeed( Depression)

Akhriste aynnu kala saarno xaaladda loo yaqaanno goonni daaqnimada iyo kelinimada. Labadan oo xaaladood oo afka Ingiriisa loo yaqaan (Solitude) iyo (Loneliness) xoolaha aynnu dhaqanno, siiba lo’da badankeeda waxa ay u wada daaqaan si wada jir ah, oo badanaa hal goob ayay cawska amma doogga ka wada daaqaan, se waxa marar badan la arkaa neef kelidii meel gaar ah iska daaqa iyadoo lo’da inteeda kalena ay meel kale daaqayaan, weliba neefkaas ma qabo wax xanuun ah, neefka noocaas ah baa loo yaqaan goonni daaq. Sidaa si la mid aadanaha waxa jira dad doorbida inay si iskood ah dadka uga dhex baxaan iyada oo aanay jirin xaalad amma xanuun nafsi ah. Se kelinimadu waa iyada oo jiraan arrimo nafsi oo kuu diidaya inaad hesho niyadda iyo tamarta ku dhex jirka dadka.

Inay dadku ku murmaan inay kelnimadu tahay wax wanaagsan amma wax xun ayaa ah in aan badanaa loo kala saarin kelinmo uu qofkuu iskiis u doorbido iyo kelinmo ay ugu wacan tahay inay jiraan xanuunno nafsi ah. Waana sababta aynnu ugu yeedhnay erayga “ Goonni Daaq” dadka horumarka wanaagsan ka sameeya nafahooda ayaa badanaa lagu sheegaa inay yihiin goonni daaqyo, waayo tamarta badan ee ku baxda ku dhex jirka dadka aanay faa’idadu ku jirin ayaa u baddalaan inay ku qabsadaan wax naftooda iyo bulshadaba anfacaya.

Akhriste, kelinimadu maaha in jidhkaagu uu ka dhex baxo dadka oo aad meel cidlo ah joogto, waxa kale oo kelinimo ah  in adoo dadka dhex jooga ay maskaxdaadu maqan tahay oo aad dareemayso cidlo amma qof aan muhiim ahayn, waa taas kelinimada dhabta ahi. Aadanuhu waa noole bulshawi ah oo u baahan in la dareemo, la dareensiiyo inuu yahay qof jira oo wax laga dhegaysanayo. Se in qofka lagu jees-jeeso, la yaso amma si uun loo xaqiro waa masiibo ballaadhan oo qofka loo gaystay taas oo dhaxalsiin karta inuu miyir doorsoomo.

  • Waxa jira waxyaabo badan oo sababa inaad keli ahaato kuwaas oo qof kasta uu garan karo. Xaaladaha adag ee badanaa aynnu marno ayaa loo tiiriyaa waxyaabaha ugu badan ee keena kelinimada sida inuu geeriyoodo qof ehelkaaga ah, furniinka, inaad ka guurto deegaanka aad ku noolayd iyo duruufaha kale ee aynnu noloshu keento. Qoysku waa meesha qudha ee loo tiiriyo in tahay meesha qudha ee saamaynta ugu badan ee togan amma taban ay qofka kasoo raacdo, saas awgeed haddii qoyskaagu yahay qoys uu hadheeyay khilaaf iyo is qabsi, waxa hubaal ah inaad marti u noqonayso kelinimo iyo xaalado isku buuq oo ku dhaxal siin kara inaad gasho xaalad nafsi ah oo daran.

Heerka kalsoonida qofka oo hoosaysa ayaa iyada loo tiiriyaa qodob wayn oo qofka dhaxalsiiya inuu kelinidii ahaado. Kalsooni darradu waa xaalad nafsiyeed uu qofku aamini waayo inuu karo amma awoodo inuu shay sameeyo, amma aanu haba yaraatee wax kalsooni ah ku qabin naftiisa. Dadka aan naftooda ku kalsoonayn waxa ay is dareensiiyaan haddi ay shay sameeyaan in lagu qoslo doono, la ceebayn doono amma si uu loo dhaliilo doono, sidaas awgeed waxa ay doorbidaan in aanay faraha la gelin wax ay ka filayaan inay dhibaato kaga imanayso.

Nooca shakhsiyada qofka ayaa door muhiim ah ka qaadata keli ahaanshaha, tusaale ahaan shakhsiyadda loo yaqaan ( Introversion) oo ah qof af gaaban oo aan lahayn dad dhex gal ayaa ah qodobada dhiirri geliya kelinimada, haddii aad tahay qof ku caajisa meelaha dadka badan isugu yimaaddan amma aan niyadsamaan ku dareen ku dhex jira dadka badan ayaa ah shakhsiyad naadir ah oo badanaa loo tiiriyo inay tahay sudimaha kelinimada.

Caafimaad ahaan wax kale oo jira waxyaabo badan oo lala xidhiidhiyo inay sabab u yihiin in qofku keli ahaado. Asal ahaan aadaha wixii hab dhaqankiisa saamaynta ku leh waa laba mid ah uun, inay helaan duruufo nololeed iyo arrimaha caafimaad sida xannuuno nafsi amma xanuuno baayoolaji. Waxyaabaha caafimaad ee badanaa keena kelinimada waxa ka mid ah

  • Isticmaalka maandooriyayaasha
  • Xanuunnada maskaxda oo badanaa ka dhasha hurdo la’aanta iyo isku buuqa
  • Xanuunka loo yaqaan Alsamiris oo ah xanuun saameeyaa neerfahayaasha
  • Bulsho diidnimada (Antisocial) oo ah necbaanshaha la noolaanshaha dadka
  • Xannnunada ku dhaca wadnaha
  • Yaraanshaha xusuusta iyo barashada hoosaysa
  • Go’aan qaadashada liidata
  • Isku buuqa badan iyo xanuunnada nafsiga ah

Duruuf kasta oo innaga soo wajahda nolosha waxa ay innagu leedahay saamayn taban oo saamayn badan ku yeelata qaab nololeedkeenna. Nolosha kama madhna duruufuhu, se waxa qofka ku waajib ah inuu ka dabbaasho uu sameeyo waxa kasta oo kaga gudbi karo xaaladaha soo wajaha. Waxa marar badan la xusay in Bulshada Islaamku ay tahay bulshada ugu yar ee ay haleelaan xanuunnada nafsiga ah sida isku buuqa, is dilka iyo ka dhicidda noloshu, waayo waa bulsha ay u qeexantahay guud ahaan noloshu qof iskiis uga hadha maahane.

Waxa jira cilmi baadhisyo badan oo ka garac kacaya in kelinimadu ay sannadahan dambe sii xoogaysanayso. Xog ururin la sameeyay sannadkii 2019 ayaa sheegaysa in 25% dhallin yarada u dhaxaysa da’da 18-27 aanay lahayn wax asxaab u dhaw halka 22% aanay lahayba wax asxaab ah. Arrintan ayaa loo sababeeyay adeegsiga baraha bulshada ee xad dhaafka ah. Tusaale fudud, haddii aad u fiirsato dhallin yarada wada fadhida meheradaha lagu shaaheeyo in qof kasta uu badanaa ku mashquuksan yahay moobilkiisa iyadoo asxaab badani ay la fadhiyaan. Sida oo kale waxa la ogaaday inay badanaa dadku keli noqdaan marka uu qofku guursado, marka uu yeesho mansab sare sida in xil loo dhiibo, marka uu qofku noqdo hantiile iyo badanaa dadka gaadha heerka aqooneed ee sarreeya.

biixi223@gmail.com

 

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US