Tababare Pep Guardiola ayaa mar kale Kufayy kulan weyn kadib markii uu soo celiyay kuna adkaystay khalad Jose Mourinho u suurtagaliyay in uu ka faa’iidaysto guulna ka gaadho kulan ka tirsanaa premier League.

Tababare Pep Guardiola ayaa kulanka ku soo galay 4 daafac ah oo ka kooban Walker, Lapore, Diaz iyo Cancelo laakiin 4-ta daafac ayaa baneeyay boos aad u badan oo u dhexeeyay iyaga iyo Goolhayaha Ederson halka xiddigaha garbaha daafacu mar walba aad ugu hadhayeen dhanka weerark taas oo boosas badan oo madhan siisay xiddigaha Tottenham ee Kane, Son iyo Bergwijn.

Man City iyo Guardiola ayaa ka shaleeyay arintaas markii uu Son dhaliyay goolka 1-aad iyo waliba goolkii uu dhaliyay xiddiga Lo Celso.

Waxa mar kale cadaatay in khaladka uu Guardiola sameeyo mar walba yahay daafac aadka ugu fog goolka waana sababta dhibaatada ku noqotay Man City marka loo eego in ay Tottenham weerarka uga ciyaarayeen xiddigo orod badan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US