In ka badan 10 dhalinyaro ah ayaa ku dhimatay, tiro kale waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Golol xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa lala beegsaday koox ciyaartoy ah oo ka dhisan Kismaayo, laguna magacaabo JCCI, kuwaas oo gaari Bus ah oo ay saarnaayeen lagu qarxiyay bartamaha magaalada.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa haatan waxaa ka socda gurmad loo fidinayo dhibbanayaasha wax ku noqday qaraxa, waxaana aaga xiray ciidamada Jubalanad.

Kooxda ayaa ku sii jeeday garoonka ciyaaraha Kismaayo ee Waamo oo galabta uu xariga ka jari lahaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana lagu guddoon sii lahaa koob ay horay u qaaday kooxdu.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Koox Ciyaartoy ah oo qarax lagu laayay appeared first on Puntland Post.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US