Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool si aad ah u doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.

Heshiiska Ramos ee Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda suuqa January.

Ramos ayaan ilaa haatan heshiis cusub u saxiixin taas oo shaki weyn galisay mustaqbalkiisa heegna galisay kooxo badan oo reer yurub ah.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool noqotay kooxdii ugu horaysay ee xidhiidh Rasmi ah la samaysay wakiilka xiddiga reer Spain.

Liverpool ayaa dhankeeda doonaysa xiddig daafaca ka ciyaara suuqa January marka la eego dhaawacyada ku habsaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US