(Yurub) 18 Sebt 2021. Kooxaha waa weyn eee Liverpool, Tottenham iyo Juventus ayaa la soo warinayaa inay ku tartamayaan saxiixa xiddig dhowaan qalliin dhanka wadnaha ah lagu sameeyey.

Saddexda Kooxood ee Reds, Spurs iyo Juve ayaa ku tartamaya saxiixa xiddiga garabka kaga ciyaara Naadiga Bayern Munich ee Kingsley Coman.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya in Weeraryahanka Faransiiska ah ee Kingsley Coman ay saxiixiisa wada doonayaan Kooxaha reer England ee Liverpool iyo Tottenham si la mid ah Naadiga reer Talyaani ee Juventus, waxaana ay rabaa inay saxiixiisa u dhaqaaqaan suuqa kala iibsiga xiddigaha ee soo aaddan.

Laacibka kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman ayaa dhowaan lagu sameeyey qalliin dhanka wadnaha ah oo lagu saxayey xididdada wadnaha kaddib markii ciyaaryahanka ay neefsashadu ku adkaatay.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US