(Milan) 29 July 2021. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay bartilmaameedsanayso ciyaaryahan ka tirsan Naadiga Chelsea.

Warsidaha Calciomercato ayaa warinaya in kooxda AC Milan ay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya ka dhigatay laacibka garabka uga ciyaara Chelsea ee Hakim Ziyech.

Maadaama ku bilaabashadiisa safka hore ee kooxda ku dheesha garoonka Stamford Bridge uu ku dhibtooday tartan bandanna uu ka jiro, waxaa warbixinta lagu sheegay in laacibkan uu ka fiirsanayo inuu u wareego San Siro.

Xiddigaan reer Morocco ayaa 45 daqiiqo u ciyaaray Chelsea kulankii dhowaa ee isudiyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo ay guusha ka gaareen  Bournemouth.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US