(London) 18 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay maalmaha soo aaddan dhammaystirayso saxiixa Sambi Lokonga.

Sida uu daabacay Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, Kooxda Arsenal ayaa rajaynaysa inay soo gabagabayso maalmaha soo socda saxiixa ciyaaryahan Albert Sambi Lokonga.

Xiddigan oo khadka dhexe ka ciyaara kana tirsan haatan Kooxda Anderlecht ayaa ku biiri kara kooxda reer London ka hor Arbacada soo aaddan, marka ay Gunners u duusho Florida si ay u sii wataan diyaar-garowgooda xilli ciyaareedka cusub.

Dhanka kale Suxufiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal haatan isku diyaarinayso inay ku dhawaaqdo saxiixa Sambi Lokonga.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in ciyaaryahan Albert Sambi Lokonga uu iska diiday labo dalab oo uga yimid Horyaalka Serie A-da Talyaaniga, waxaana uu ka doortay ku biirista kooxda Arsenal.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US