(London) 18 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa in weli aysan dalab heshiis kordhin ah hordhigin Weeraryahankeeda Alexandre Lacazette.

Shabakadda ciyaaraha ka faalloota ee ESPN ayaa warinaysa haatan in Kooxda Arsenal aysan weli dalab heshiis kordhin ah u bandhigin Weeraryahankeeda Alexandre Lacazette.

30-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa haatan ee Gunners waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, laakiin kooxda ayaa dooratay inay xoogga saarto meelaha kale ee kooxda, halkii ay heshiis kordhin cusub u bandhigi lahayd xiddiga reer France.

Alexandre Lacazette ayaa kaliya labo kulan u saftay Kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US