(Barcelona) 18 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa la soo warinaya inay qorsheynayso inay amaah kula wareegto laacib ka tirsan Manchester City.

Wargeyska Sport ee ka soo baxa Spain ayaa warinaya in Kooxda Barcelona ay indhaha ku hayso inay heshiis amaah ah kula wareegto Raheem Sterling suuqa bisha Janaayo ee soo aaddan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Blaugrana ay u ballanqaadayso xiddigan garabka ka ciyaara ee Sterling ay waqti badan ciyaarsiin doonto oo uu heli doono booskiisa joogtada ah.

Barcelona waxa ay haatan qorshaheeda ku darsatay oo ay indhaha la raacaysaa inay amaah kula soo wareegto xiddiga xulka qaranka England iyo Kooxda Manchester City ee Raheem Sterling, sida laga soo xigtay wargeyska Sport.

Sterling ayaa hoos uga dhacay xulashada safka hore ee Kooxda Manchester City xilli ciyaareedkan, waxaana la warinayaa haatan inuu u furan yahay inuu garoonka Camp Nou kula biiro ciyaaryahankii hore oo ay isku kooxda ahaayeen ee Sergio Aguero.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US