(Barcelona) 13 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay iska iibinayso ciyaaryahankeeda khadka dhexe ee Sergio Busquets, si ay ula soo saxiixato xiddig ka ciyaara horyaalka Serie A.

Warsidaha El Nacional ayaa warinaya in Barcelona ay iska iibin doonto Sergio Busquets si ay boos ugu hesho Franck Kessie.

Kooxda reer Spain ayaa isku diyaarinaysa inay la soo wareegto Kessie, kaasoo qandaraaskiisa AC Milan uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Barca waa inay iska dirtaa xiddigan khadka dhexe ee Busquets ka hor inta aysan keenin Kessie, si kastaba ha ahaatee haalku ka noqdee waxa ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay bixiyaan Busquets.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US