(Barcelona) 18 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa la soo warinayaa inay qarka u saaran tahay inay iska fasaxdo mid ka mid ah daafacyadeeda.

Wararka laga helayo gudaha dalka Spain ayaa sheegaya in Barca ay ku dhowday inay albaabka u tilmaanto daafaceeda Clement Lenglet.

Barcelona ayaa kor u qaaday dadaalkeeda ay ku dooneyso inay ku fasaxdo daafaca Clement Lenglet, sida lagu daabacay Wargeyska Sport ee ka soo baxda Spain.

Kooxda ayaa rajeynaysa inay heshiis amaah ah ku dirto xiddiga reer France, iyadoo shuruudaha heshiiskana ku daraysa in la wada iibsan karo, inkastoo aysan weli kala caddeyn kooxaha la la xiriirinayo inay yihiin kuwa doonaya saxiixa daafacan.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US