(Barcelona) 12 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay Ousmane Dembele u sheegi doonto inuu isaga tago xagaagan, sida ay warinayso Shabakadda ESPN.

Weeraryahankan Faransiiska ah ayaa loo sheegi doonaa inuu isaga tago Kooxda Barcelona haddii uusan saxiixaynin heshiis cusub.

Shabakadda ciyaaraha ee ESPN ayaa warinaysa in Barcelona ay u sheegi doonto Ousmane Dembele inuu kooxda isaga tago haddii uusan heshiis cusub u saxiixanynin xagaagan.

Gooldhaliyahan reer France ayaa heshiiskisa haatan waxaa uga harsan hal sano oo kale, waxaana kooxda lagu naynaaso Blaugrana ay ka baqaysaa inay lumiso iyadoo aan lacag ka helin iibkiisa.

Naadiga caasimadda Faransiiska ka dhisan ee Paris Saint-Germain ayaa ka mid ah kooxaha lagu xamanayo inay xiiseynayaan saxiixa Dembele.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US