(London) 28 Luulyo 2021. Fabrizio Romano oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa kala iibsiga Yurub ayaa shaaca ka qaaday dalabka Chelsea ay ku dooneyso inay kula soo saxiixato daafaca reer France iyo kooxda Sevilla ee Jules Koundé.

Chelsea ayaa isha ku heysa inay xoojiso daafaceeda xilli ciyaareedka cusub, si ay ugu dagaalanto ku guuleysiga horyaalka Premier League, isla markaana ay u difaacato koobka Champions League.

Romano ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay heshiis shaqsiyeed la gaartay Jules Koundé, ayna u harsan tahay kaliya in kooxda Sevilla ay ka wada hadlaan qiimaha heshiiska.

Chelsea To Hijack Tottenham Transfer Target Jules Kounde

Wariyahan ka faalooda suuqa kala iibsiga ayaa intaa ku daray in dalabkii ugu dambeeyay ee Chelsea uu gaarsiisnaa 30 ama 35 million euros, lagu daray daafaca reer France ee Kurt Zouma.

Zouma kuma jiro xisaabinta tababarihiisa reer Jarmal ee Thomas Tuchel, kaasoo doorbidaya dhammaan adeegyada daafacyada kala ah César Azpilicueta, Thiago Silva, Christensen iyo Rüdiger.

Si kastaba ha ahaatee, Jules Koundé ayaa helaya xiisaha kooxo badan oo Yurub ah, sida Real Madrid, Tottenham iyo Manchester United.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US