(Manchester) 12 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay doonayso inay bisha Janaayo la soo wareegto ciyaaryahan ka tirsan Manchester City.

Sida laga soo xigtay Calcio Mercato, Juventus ayaa qorsheynaysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara naadiga reer England ee Manchester City, Bernardo Silva.

Kooxda Talyaaniga ayaa warbixinta lagu sheegay inay doonayso inay heshiis amaah ah ku qaadato 27-sano jirkaan, marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Tababare Pep Guardiola ayaa horay u qirtay in Bernardo Silva uu ka tagi karo Man City, inkastoo uu qandaraaskiisu ku eg sanadka 2025-ka.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US