(Liverpool) 12 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay sare u qaadday baacsiga ay ku haysay ciyaaryahan Ousmane Dembele.

Liverpool ayaa xoojinaysa qorshihii ay Barcelona ugala soo saxiixan lahayd Ousmane Dembele, iyadoo la isla dhexmarayo inuusan sal fadhiya lahayn mustaqbalka xiddiga reer France, sida ay daabacday Jariiradda Mundo Deportivo.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la dhacsan weeraryahankan, kaasoo uu u arko inuu noqon karo shaqsi ka soo muuqan kara safkiisa garoonka Anfield.

Dembele ayaa haatan ku sii dhowaanaya dhammaadka heshiiskiisa garoonka Camp Nou, waxaana laga yaabaa in Kooxda Barca ay ku adkaato inay ku qanciso inuu la sii joogo oo uu qeyb ka sii ahaado halgankooda.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US