Waxa Afgaanistaan ka socda hawlgal weyn oo ay dawladda Maraykanku rabto in ay ku samatabixiso dad 2500 oo qof iyo qosaskooda oo iyaguna tobanaan kun ah, kuwaas oo siyaabo kala duwan ula shaqeeyey labaadankii sanno ee Maraykanka iyo xulufadiisu ay dagaalka kula jireen Daalibaan iyo Alqaacida. Dadkaas oo ay Daalibaan u taqaano in ay ahaayeen daba-dhilif Maraykanku adeegsaday.

Maraykanka ayaa ka walaacsan in dadkaas dhegta dhiigga loo daro sidii dhacday bishii May markii ay Daalibaan gawraceen Sohail Pardis oo ahaa turjubaan sannad iyo badh la shaqeeyey Maraykanka.

Diyaarad sidaa 221 qof ayaa ka degtay madaarka Washington ka degtay, waxaana la filayaa daabulka dadkan in uu maalmo badan socda.

 

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US