(England) 04 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Borussia Dortmund ayaa aqbashay codsi kaga yimid xiddigeeda Jadon Sancho kaasoo dalbaday in la iibiyo suuqa xagaaga soo aaddan, waxaana durba xiiso u muujinaya qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ee ka ciyaara horyaalka Premier League.

Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa haatan soo bandhigay xiisaha ay u hayaan xiddiga reer England, waxaana loollankiisa kusoo biiray naadiga Chelsea.

Warsidaha Jarmalka kasoo baxa ee Bild ayaa ku warramaya in macallinka Blues ee Thomas Tuchel uu kooxdiisii hore ka doonayo Sancho si xagaagan uu ugu soo biiriyo Stamford Bridge.

Dhanka kale, Dortmund ayaa hoos u dhigtay qiimaha lagu heli karo xiddigeeda garabka ka ciyaara oo haatan lagu soo warramayo inay ku iibin karto 78 milyan oo Gini, halka xagaagii hore ay ku dooneysay lacag ka badan 100 milyan oo Gini.

Si kastaba ha ahaatee, saddexda koox ee Reds, United iyo Chelsea ayaa diyaar u ah inay ku dagaallamaan helitaanka adeegga Sancho suuqa xagaaga soo aadan iyadoo la xasuusto in Red Devils ayaa xagaagii hore isku dayday saxiixa 21-jirka kasoo qalin-jebiyay kulyadda Manchester City.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US