(England) 29 Luulyo 2020. Maamulka Premier League ayaa shaaciyey Kubadda cusub ee lagu ciyaari doono horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2020-21.

Waxaa kubaddaan farsameysay shirkadda qalabka Isboortiga ee Nike.

Dhammaan 20-ka kooxood ee horyaalka Premier League ayaa loo qeybin doonaa kubaddahan si ay tababarka ugu sameeyaan ka hor bilaabashada xili ciyaareedka cusub.

Kubaddan oo ah mid ilqabad leh oo nooceeda oo kale aan horey loo arkin ee lagu daray magaca Nike Flight ball ayaa noqoneysa nashqad gaar u ah horyaalka Premier League, waxaana ay ka kooban tahay middabbada caddaanka, casaanka iyo madowga.

Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Marcus Rashford kaasoo ah cayaaryahan u diiwaan gashan Shirkadda Nike ayaa waxa uu soo muuqday isagoo kubaddan kor u haya oo ku ciyaaraya, waxaana la rajeynayaa in dhowaan la gaarsiiyo dhammaan kooxaha kala duwan ee horyaalka Premier League.

Halka hoose kaga boggo SAWIRRIDA kubadda lagu ciyaari doono xili ciyaareedka cusub 2020/21:-

Image

Image

Image

📸 The 2020/21 official Premier League ball unveiled by Nike

Image

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US