Goolhaye Edouard Mendy ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Chelsea waxana la filayaa in uu kulankiisii ugu horeeyay ee chelsea ciyaaro sabtida kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto kooxda West Ham.

Edouard Mendy ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka Blues ayaana maanta si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha reer Senegal.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu 28 jirka Goolka ka ciyaaro kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto kooxda West Brom kulan 3-aad ee chelsea.

Goolhaye Mendy ayaa la filayaa in uu booska kala boxo Goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo qaab ciyaareed liita soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Goolhayaha reer Senegal ee Edouard Mendy ayaa noqday saxiidii 7-aad ee kooxda Chelsea suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US