Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay Finalka Tartanka Spanish Super Cup-ka kadib markii ay rikoodhayaal ku garaacday kooxda Real Sociedad.

Kulankii ay Barcelona garaacday Real Sociedad ayaa laga diwaan galiyay rikoodh aan dhicin muddo 23 sano ah kadib markii ay Barcelona rikoodhayaasha ugu gaadhay finalka Super Cup-ka.

Kadib markii ay 1/1 ku dhamaatay ciyaartu Garsooraha ayaa go’aamiyay in uu qabto gool ku laad ama rikoodhayaal si labada kooxood ugu kala baxaan.

Waxana ay 3/2 guushu ku raacday kooxda Barcelona kuwaas oo iska xaadiriyay Final-ka tartanka ay ugu guulaysiga badan yihiin taariikhda Spain.

Kooxda Barcelona ayaa gaadhay rikoodhayaal kulan markii ugu horaysay 23 sano iyada oo markii ugu dambaysay ee ay kulan rikoodhayaal gaadhay ahayd final-ka Copa Del Rey-ga sanadkii 1998 markaas oo ay Barcelona rikoodhayaal ku qaaday koobka kana badisay Real Mallorca.

Tan ilaa kulankaas kooxda Barcelona ayaan gaadhin kulan rikoodhayaal ah kulamada Rasmiga ah ee taariikhda kooxda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US