Members of the Bidun community protesting

Markii 27 jirka Hamad uu bishii December isku gubay dalka Kuwait, waxay arrintaasi fajac ka abuurtay gudaha dalkaas.

Waxay u muuqataa wax aan dhici karin in dalkan yar ee shidaalka qaniga ku ah kuna yaalla Khaliijka ay ka dhici karaan xaalado qof ku kallifi kara inuu fal noocaas ah ku dhaqaaqo. Balse Hamad wuxuu ka mid yahay qowmiyadda aan aqoonsiga lahayn ee Bidun ee dalkaas.

Bidun waa eray Carabi ah oo la micno ah “la’aan” – dhalasho la’aan, taas oo la micno ah in qowmiyaddan aysan la macaamili karin bulshada inteeda kale; aqoonsi la’aan, waxay la micno tahay inay waddooyin adag u maraan waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo shaqo la’aanta.

‘Wax walba way soo xirmeen’

Magaalada Sulaibiya oo ku taalla meel 17 kiilo mitir (11 meyl) dibadda ka ah magaalada Kuwait, waa duni ka go’doonsan xarumaha laga dukaameysto iyo dhismayaasha sare ee caasimadda ku yaalla.

Cumar wuxuu halkaas kula nool yahay waaliddiintiisa, walaalihiis oo toban ah iyo qoysaskooda, waxay deggan yihiin guri shan qol ka kooban oo ku yaalla dhul deegaameyn ay ka socoto oo ay degeen dad badan oo ka soo jeeda qomwiyadda Bidun.

Ninakn oo 33 jir ah ayaa aad ugu dhow walaalkiisa ugu yar, Hamad.

” Waaqofka ugu naxariista badan ee dunidan ku nool, waa qof shakhsiyad dhab ah leh, mar walbana dhoolla caddeynaya,” ayuu yiri Cumar.

Balse qiyaastii sanad kahor ninkan dhalinyarada ah ayaa noqday goonni socod, isagoo isku soo xiray qolkiisa kuna gacan seyray dadaalkii uu walaalkiis uga soo saari lahaa qolka.

Cumar ayaa dareemay xanuunkiisa: “Wax walba way ka soo xirmeen.”

Arrinta Bidun ee dalka Kuwait waxay soo bilaabatay sanadkii 1961, markii qaar ka mid ah qoysaska oo degganaa xadka aysan dalban dhalashada dalkaas, kaddib markii Kuwait ay xornimadeeda ka qaadatay Britain. Dalalka kale ee gobolka Khaliijka ayaa sidoo kale waxaa ku nool dad aqoonsi la’aan ah.

Dalal kale oo Carabta Khaliijka ka tirsan sida Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waxaa sidoo kale ku nool dad dhalasho la’aan ah, kuwaasoo ka soo jeeda qowmiyadaha reer miyiga ah ee aan dalban aqoonsiga.

Meelaha kale ee gobolka, dadka ayaa aqoonsi la’aan noqday kaddib markii dowladda ay ka qaadday dhalashadooda, sida Baxreyn oo tiro dadka deegaanka ah ka qaadday waraaqaha aqoonsigooda.

Arrintan ayaa mid cakiran ku noqotay dowladda Kuwait, oo qowmiyadda Biduns u aqoonsan “dad sharci la’aan ku jooga dalkaas”.

Waxay sheegtay in keliya 34,000 oo ka tirsan in ka badan 100,000 oo aqoonsi la’aan ku ah dalkaas ay xaq u leeyihiin inay codsadaan dhalashada iyo inta hartayna ay yihiin dad dal kale u dhashay ama kuwo iyaga ka faracmay.

Hardan joogto ah

Kaddib markii Hamad uu dhammeeyay dugsiga hoose, ma uusan awoodin inuu iska diwaan geliyo dugsiga sare sababo la xiriira inuu ka soo jeedo bulshada Bidun. Qoyskiisa ma aysan heysan lacag ay ku geeyaan iskuul si gaar ah loo leeyahay.

Hamad as a child

Wiilkan ayaa ku soo koray isagoo arkaya aabbihiis iyo walaalihiis oo nolo aan degganeyn ku nool iyagoo soo iibsanaya iskana sii iibinaya gawaari; waxay hal bil iska iibinayaan gaari iyagoo afarta bilood ee xigtana la dalaa dhacaya nolosha.

Wuxuu u muuqday mid go’aan ku gaaray in sidaasi ay ahayn noloshii uu doonayay. Walaalkiis ayaa sheegay in riyadiisa ay ahayd inuu ku biiro milatariga.

Balse iyadoo ay fursaduhu gabaabsi ku noqdee, Hamad wuxuu awooday inuu waddooyinka qare ku iibiyo ilaa ay qabteen saraakiisha dowladda hoose.

Wuxuu kaddib iksu dayay inuu qoolley ku soo iibsado kala bar diinaarka Kuwait ($1.65; £1.21) balse wuu iska daayay markii uu khasaaro kala kulmay.

Kaddib markii Hamad uu dhammeystay siddeed bilood oo xabsi ah sababo la xiriira inuu lax xaday si uu u iibiyo, walaalkiis kale, Jasem, ayaa warqad safar ah u soo jaray wuxuuna dalxiis ugu kaxeeyay Morocco.

Omar wuxuu sheegay in dalxiiskaas uu walaalkiis u bidhaamiyay nolol kale.]

“Wuxuu arkay dunida, wuxuu arkay nolosha, wuu faraxsanaa. Wuxuu halkaas joogay muddo saddex toddobaad ah balse waxay la ahayd inuu saddex sano joogay. Shantii sano ee xigtay wuxuu ka hadli jiray safarki uu ku tegay Morocco.”

Dadka is dilaya oo kordhay

Dhowaan, Hamad wuxuu bilaabay inuu hooyadiis u sheego inuu doonayo inuu nolol dhisto, guursado uuna dego. Balse iyadoo uusan qoysku dhaqaale heynin, wax yar oo ay ku caawiso ayay heysay iyadoo xusuusisay in “Allah uu irsaaqada furi doono”.

Omar ayaa sheegay inuu ka hadlay inuu is dili doono balse qoysku uusan taas ka filan ilaa laga gaaray subax, uu naftiisa dab qabad siiyay.

Kaddib dhacdadaas, xildhibaan Marzouq al-Khalifah ayaa dowladda ugu baaqay inay guddi u saarto waxa sababay kiisaska dhowrka ah ee dadka ka soo jeeda Bidun ee is dilaya.

“Waxaan ku nool nahay dal ay nimco taallo… welina dad baa isku dilaya inay ku nool yihiin nolol adag iyo ciriiri ay maalin walba la kulmaan.”

Marzouq al-Khalifah

Abdullah al-Rabah oo u dhaqdhaqaaqa qowmiyadda Bidun ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko dadka Bidun ee gaaraya 34,000 ee loo oggolaaday dhalashada la siiyo dadka kalena loo oggolaado xuquuqda shacabka oo u suurto gelineysa inay noolaadaan.

Cumar wuxuu sheegay in isaga iyo dad kale ay dareemeen in dalkii ay ku dhasheen uu xaq ku leeyahay balse uu la socdo dhibaatooyinka ay marayaan dhalinyarada bulshadiisa.

“Tani waa jiilkii saddexaad ee aanan xalka u heyn arrinta, muddo intee ah ayay sugayaan? Dabcan way saameyneysaa.”

Cumar, waxa keliya ee uu doonayo waa inuu walaalkiis garab joogo.

Caadi ahaan, wuu ka tagaa Sulaibiya mar walba oo uu fursad u helo, si uu u illaabo walwalka heysta wuxuuna keligiis tagaa badda. Balse haatan maalin walba, wuxuu isbitaalka ku booqdaa Hamad isagoo ka daawada daaqadda qolka daryeelka gaarka ah ee uu ku jiro.

Wuuna sugaa, isagoo rajeynaya inay dhaqaatiirtu u sheegaan war farxad leh.

Dhammaan magacyada warbixintan ku jira waa la beddelay si loo ilaaliyoaqoonsiga shakhsiyaadka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US