(Paris) 12 Juun 2021. Qandaraaska Kylian Mbappe ayaa dhacaya xagaaga soo aaddan, xiddiga reer France ayaana sheegay inuusan hubin in Kooxda Paris Saint-Germain ay tahay isaga meesha ugu fiican.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Adduunka, isagoo 22-sano jir ah, waa laacib si aad ah loo raadinayo, Kooxda Real Madrid ayaana ka mid ah kuwa doonaya inay la saxiixdaan isaga.

Isagoo la hadlayey France Football, Mbappe waxa uu sheegay inuu ku farraxsan yahay PSG, laakiin waxa uu qirtay inuusan hubin inuu yahay kooxda ku habboon.

“Waa inaan sameeyaa go’aanka saxda ah, waana arin adag … waa inaan naftayda siiyaa fursad kasta oo aan ku qaadan karo go’aan wanaagsan,” ayuu Mbappe u sheegay France Football.

“Waxaan joogaa meel aan jeclahay oo aan wanaag ku dareemayo, laakiin tani miyay tahay meesha iigu fiican aniga? Weli jawaab uma hayo.”

Haddii Mbappe uu go’aansado inuu ka tago Kooxda PSG, wuxuu u sameyn doonaa inuu si fool ka fool ah ugu tago maamulka naadiga, isagoo aan khiyaanayn kooxdiisa.

“PSG waa ay fahansantahay codsiyadayda, maxaa yeelay way ogyihiin inaan ku dhaqaaqi doonin wax khiyaano ah,” ayuu markale yiri Mbappe.

Ugu dambeyntii waxa uu xusay Mbappe in la noqdo ciyaaryahan weyn in lagu ogaado sida aan caadku saarnayn ee loo qaato go’aannada ka baxsan garoonka.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US