Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona heshiis afka ah la gaadhay si ay xagaagii u hesho saxiixa xiddiga Ansu Fati.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in rajadii Man United bur-burtay kadib markii ay Barcelona hakad galisay wadahadaladii ay kula jirtay.

Kooxda Barcelona ayaa kadib lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga ka dhigtay lacag dhan 357 milyan oo euro xilli heshiiska da’yarku dhici doono 2022.

Fati oo 18 jir ah ayaa is baray adduunka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kadib markii uu noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya kooxda Barcelona.

Man United ayaa doonaysay in ay xiddiga ka dhigto xiddigeeda ugu qaalisan si ay ugu xoojiso kooxda kadib markii ay seegeen kooxda Jadon Sancho.

Man United ayaa la sheegaa in ay heshiis 133 milayn oo afka ah la gaadhay Barcelona si ay u hesho saxiixa xiddiga Fati kaas oo dhaliyay 7 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Laakiin Barcelona aya ugu dambayn ka baxday heshiiska maadama ay Fati u arkaan xiddig ka mid ah qorshaha tababare Ronald Koeman.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US