(Madrid) 18 Luulyo 2021. Ciyaaryahan ka tirsan Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa caab cajiib ah guur kaga dalbaday Gacalisadiisa uu aadka u jecel yahay.

Xiddigaasi waa laacibka khadka dhexe ee Atletico Madrid ee Marcos Llorente, waxaana uu qaab aan hore loo arag oo cajiib ah garoonka kooxdiisa ee Wanda Metropolitano ugu soo bandhigtay guurka gabadha uu jecel yahay ee Patricia Noarbe.

Llorente iyo Patricia ayaa ku sugnaa garoonka, halkaasoo ay si wadajir ah uga daawanayeen muuqaal laga sameeyey xiddigan xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin shaashadda garoonka ayaa lagu muujiyey sawirro ay si wadajir ah uga muuqdeen ka hor inta uusan Marcos Llorente jilibka dhulka dhigan si uu guur uga dalbado gacalisadiisa Patricia Noarbe.

Si kastaba ha noqotee, gabadha la yiraahdo Patricia Noarbe ayaa u mahadcelisay si deg deg ahna uga aqbashay guurka saaxiibkeed Llorente, iyadoo weliba illinta ceshan kari weysay.

Taas waxaa ka sii cajiibsanayd in kediskan uu Llorente ku sameeyey gacalisadiisa si uu ugu sii dhammaystiro uu sameeyey in qoyskeeda iyo saaxiibadooda ay dhammaantood gudaha u soo wada geleen garoonka si ay ugu hambalyeeyaan labadaan lammaane ee guurka ku heshiiyey.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US