GAALKACYO (HALBEEG) – Ciidamada booliska waqooyiga Gaalkacyo ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa u suurta-gashay in ay soo qabtaan askari horay dil uga geystay isla magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug ee qeybta Buntilaan, Muumin Cabdi Shire ayaa Warbahainta u sheegay in Askariga ay Ciidamada kasoo qabteen degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari ka xiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Taliye Muumin waxa uu warbaahinta u sheegay in Askariga oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Buntilaan uu 11-kii Bishaan September Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay marxuum Cabdullaahi Daahir Aadan, kaas oo kamid ahaa ganacsatada magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka lagu soo qabtay Askariga dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen laba qof oo Shacab ah, ka dib markii ay israsaaseyn dhex-martay Askariga iyo Ciidamada doonayay inay qabtaan.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa soo hagaagayey tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay maamullada Buntilaan iyo Galmudug sheegeen in ay iska kaashanayaan xaaladda amni ee gobolka Mudug.


Post Views:
13

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US