Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo Tababarayaasha Mauricio Pochettino iyo Julian Nagelsmann hadii Pep Guardiola uu kooxda ka tago 2021.

Guardiola ayaa wakhti guulo leh ku qaatay Man City isaga oo kooxda kula guulaystay labo Premier League, hal FA Cup iyo seddex EFL Cups tan ilaa markii uu kooxda yimid 2016.

Si kasta ha ahaatee xilli ay Man City si aan fiicnayn ku bilaabatay xilli ciyaareedka waxa heshiiska tababarka ee kooxda ka hadhay wax ka yar sanad.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay maamulka kooxdu doonayaan in uu Guardiola go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa waliba sida ugu deg-dega badan.

Hadii uu tababaruhu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan Man City ayaa doonaysa midkood tababarayaasha Julian Nagelsmann ama Mauricio Pochettino.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US