(Manchester) 17 Sebt 2021. Sida ay shaaca ka qaadeen warbixinada ka imaanaya gudaha England maanta oo Jimce ah, waxaa jiro magacyo cusub oo u sharaxan shaqada tababarka ee kooxda Manchester United, haddii ay dhacdo in shaqada laga cayriyo Ole Gunnar Solskjaer.

Sida wararka qaar ay tilmaamayaan tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga yaabaa in shaqada laga cayriyo, kaddib markii ay Manchester United guuldarro lama filaan ah kala kulantay kooxda Young Boys, ciyaartooda koowaad guruubka F ee tartanka Champions League.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Express” ee dalka England, macalinkii hore kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u sharaxan inuu ka badelo Solskjaer kursiga tababaraha xilli ciyaareedkan.

Pochettino, Zidane, Conte: It's the bumper managerial where-next  extravaganza – The Warm-Up - Eurosport

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in tababaraha reer Talyaani ee Antonio Conte uu kursigan kula tartamayo dhigiisa reer France ee Zinedine Zidane.

Wargeyska “Express” ayaa wuxuu sidoo kale tilmaamay in Zinedine Zidane horrey lala xiriiriyay shaqada tababarka ee kooxda Manchester United sanadkii 2018, kaddib markii uu ka tagay Real Madrid, laakiin macalinka reer France ayaa doorbiday inuu nasto oo uusan xilligaas hoggaamin koox kale.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US