Kooxda Liverpool ayaa chelsea kula biirtay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice sida ay sheegayaan wararku.

Kadib markii ay West Ham hoos u dhigtay qiimaha xiddiga oo haatan ah lacag dhan 30 milyan oo euro Reds ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xiddiga Declan Rice u arka badalka tooska ah ee xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo si xor ah uga tagi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaan wax saxiix ah samayn doonin suuqa January waxana la filayaa in ay si xoogan u gasho suuqa Xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Guardian ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US