(Liverpool) 18 Sebt 2021. Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Crystal Palace, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, kulan qeyb ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Reds.

Daqiiqadii 43-aad kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Sadio Mane.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

78 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Mohamed Salah oo caawin ka helay saaxiibkiis Virgil van Dijk, ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 89-aad kooxda Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 3-0 ka dhigay laacibkooda Naby Keita.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Anfield, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadka 5-aad ee horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US