Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa loo sheegay inuu u adeegsado Jordan Henderson daafaca dhexe si uu u buuxiyo booska uu baneeyay Virgil van Dijk si ayna kooxdu suuqa January u galin si ay ula soo saxiixato daafaca cusub.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn loo filayaa in ay daafac cusub la soo saxiixato marka la gaadho suuqa kala iibsiga.

Liverpool ayaa la filayaa in ay waydo xiddiga Virgil Van Dijk inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii halista ahaa ee ka soo gaadhay jilibka.

Weeraryahankii hore ee Premier League Kevin Phillips ayaa aaminsan in uu Klopp dhibaatada ku xalin karo Jordan Henderson oo uu daafaca dhexe ka ciyaarsiiyo.

“Ma odhan kartin Joe Gomez waxa uu ku bilowday si fiican xilli ciyaareedkan laakiin kulankii Sheffield United ayaa caawin doona sababta oo ah waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican”.

“Waxa aan rajaynayaa in Gomez iyo Fabinho si fiican iskula qabsan karaan inta uu Van Dijk soo laabanayo”.

“Laakiin waxa aan aqbaa in uu Jordan Henderson sidoo kale ka ciyaari karo daafaca dhexe”.

“Waxan u malaynayaa in uu leeyahay aqoonta uu kaga ciyaari karo iyo waliba baaska”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saarttay Cafiskii Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Fidiyay Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US