Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay ku heli karto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Sokratis Papastathopoulos sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Sokratis Papastathopoulos ayaa ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Wakiilka xiddiga Sokratis Papastathopoulos ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda Liverpool u soo bandhigay saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa bishan.

Laakiin kooxda Liverpool ayaa iska diiday saxiixa xiddiga iyaga oo u sheegay in ayna ka fikirayn in ay la soo saxiixdaan daafaca dhexe bishan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US