Kooxda Liverpool ayaa war iican ka heshay xaalada xiddigaha Diogo Jota & Fabinho kuwaas oo ku soo laabtay tababarka kooxda ka hor bilowga todobaadka dame.

Xiddiga Diogo Jota ayaa garoomada ka maqnaa muddo ku dhaw 3 bilood kadib markii uu ku dhaawacmay bilowgii bishii December kulankii ugu dambeeyay wareega Group-yada champions League.

Dhanka kale xiddiga Fabinho ayaa garoomada ka maqnaa 3-dii kulan ee ugu dambeeyay kadib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay tababarka kooxdiisa.

Laakiin Labada xiddig ayaa ku soo laabtay tababarka waxana ay tababarka buuxa ee kooxda ku soo laaban doonaa maalinta Salaasada ka hor kulanka Sheffield United.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Liverpool iyo Jurgen Klopp maadama uu kulanka Axada dambe dib u heli doono xiddigaha Jota, Fabinho iyo Keita kuwaas oo dhamaantood dhaawac ka soo kabsaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US