(Barcelona) 29 Luulyo 2021. Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu kusoo laabtay magaalada Barcelona si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Barcelona iyadoo qandaraaskiisii hore uu dhacay bishii June.

Messi ayaa fasax ku qaadanayay meelo ay ka mid tahay magaalada Miami ee dalka Mareykanka, waxaana shalay uusoo gaaray dalka Spain iyadoo wararka qaar ay sheegayeen inuu saacado kooban kaddib ka laaban doono Barcelona isagoo aanan qalinka dul dhigin qandaraas cusub oo uu Barca la galayo.

Balse qaar ka mid ah wararka laga helayo Spain ayaa sheegaya inuu Kabtanka Argentina u yimid magaalada Barcelona inuu saxiixo heshiiska cusub ee uu kula sii joogo doono naadiga Blaugrana shanta sano ee soo socota sidoo kalena uu toddobaadkii ku qaadan doono 250 kun oo gini.

Si kastaba ha ahaatee, mushahar dhimista gaareysa 50% ee uu oggolaaday ayaa ka dhigeysa inuu mushaharkaas qaato, se waxa uu Barca ka qaadan jiray mushahar gaaraya 500 kun oo gini.

Ma jiraan warar rasmi ah oo la xiriira arrinta qandaraas cusbooneysiinta Barcelona ee Lionel Messi, se waxaa la sugayaa in madaxweynaha naadiga ee Joan Laporta uu ka warbixiyo halka ay haatan arintu mareyso.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US